Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay Shirka Istanbul Natural Resources Summit

Date:

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shirre Maxamad, ayaa si rasmi ah uga qeybgalay shirka Istanbul Natural Resources Summit, oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Mudane Fathudin Ali Mohamed.

Wasiirka ayaa ka qeyb qaatay dood ku saabsan “Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta,” taas oo ay ka qayb qaateen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungary, Azerbaijan, iyo Saudi Arabia. Doodda waxaa qaybiyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Intii lagu guda jiray shirka, Wasiir Daahir Shirre Maxamad ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, isagoo xusay baahida dunida ee tamarta nadiifka ah iyo macdanta waarta. Wuxuu sidoo kale muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo hormuud ku saleysan daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...