Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay Shirweynaha 15aad ee ARC oo ka dhacay Kigali

Date:

Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu qabtay kal-fadhigii 15aad ee shir-weynaha sanadlaha ah ee hayโ€™adda African Risk Capacity (ARC), taasoo u qaabilsan qaaradda Afrika arrimaha maareynta khataraha musiibooyinka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah (27โ€“28 Abriil 2025),ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah hayโ€™adda ARC, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Intii uu socday kal-fadhiga, waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Doorashada guddoonka kal-fadhiga 15aad ee sanadkan 2025.

2. Doorashada madaxtinnimada Hayโ€™adda ARC ee afarta sano ee soo socota.

3. Falanqaynta iyo ansixinta goโ€™aammo farsamo oo la hordhigay madaxda hayโ€™adaha wadamada xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sidoo kale ka qeybgalay shir-madaxeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinnada muhiimka ah ee ka soo baxay shirarkii heer farsamo. Doodahaasi waxay si gaar ah u taabanayeen muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika ee la tacaalidda abaaraha soo noqnoqda ee qaaradda ku habsada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay horumarinta iskaashiga la dagaallanka musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha, iyo sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta iskaashiga dalalka Afrika ee ka hortagga iyo maareynta khataraha musiibooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah iyo iskaashi caalami ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...