Wasaaradda Shaqada XFS oo Hambalyo u dirtay dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed 

Date:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo 2025. Wasaaraddu waxay u aqoonsatay maalintan fasax qaran, iyadoo lagu maamuusayo dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa sheegay in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta horumarka qaranka, wuxuuna xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqda iyo xaaladaha shaqaalaha. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Maalinta Shaqaalaha Adduunka, oo loo dabaaldego 1-da Maajo sanad walba, ayaa ah maalin caalami ah oo lagu xuso guulaha iyo halganka shaqaalaha. Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa si rasmi ah u aqoonsatay maalintan, iyadoo la siinayo shaqaalaha fursad ay ku nastaan kuna milicsadaan doorkooda muhiimka ah ee bulshada dhexdeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...