Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo xirtay qiimeynta Heshiiska UNCAC 

Date:

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),ayaa 27–28 Abriil 2025 qabatay kulan qiimeyn ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa (UNCAC).

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Equatorial Guinea, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Xafiiska UNODC, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Booliska Soomaaliyeed, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah (CSOs).

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa si rasmi ah u furay una xiray kulammada, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hufnaanta, iyo hirgelinta isla-xisaabtan dhab ah.

Qiimeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta waajibaadka ka dhashay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiiska UNCAC, waxaana la filayaa in natiijooyinkeeda ay sii xoojiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan daahfurnaanta iyo maamul wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...