Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ciraaq, Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-Shamari, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada la dagaallanka argagixisada, xasillinta, dib-u-heshiisiinta, dimuqraadiyeynta, iyo maamul daadejinta. Labada wasiir ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiir Cali Xoosh waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdixakiim Ashkir. Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin, iyo Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq, Mudane Ridwaan Xersi Maxmed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...