Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrikaย 

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa la wareegay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madashan oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Madashan oo inta badan diiradda lagu saaro wadaaga mashaariicda horumarineed ayaa ah madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo hada wax yaabaya la hirgalinayo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka isku xiraya dalalka geeska si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa yiri, โ€œSharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota,Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena. Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrikaโ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...