Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka iyo is-dhexgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ugandheyska.

Danjire Fardowsa ayaa Agaasimaha u gudbisay cabashooyin ka yimid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, kuwaas oo intooda badan aan haysan sharciyad rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa waxay xustay in maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay in loola dhaqmo sida dalalka EAC. Waxayna ku baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loola dhaqmo sida ardayda kale ee ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah EAC.

Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa, ayaa ballan qaaday in cabashooyinkaas wax laga qaban doono, isagoo arrintaas kala kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika ee Dowladda Uganda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...