๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐šโ€™ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐ ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐š๐ช๐š๐ฅ๐ค๐จ๐จ๐

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal laโ€™aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.

Soo dhawaynta Wasiirka waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijaliil, Madaxa ENT Wasaaradda iyo xubno ka socdey IRVD, arrinta ayaa aheyd tallaabo muhiim ah ay waadey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taasoo looga gargaarayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka iyo adeegga Caafimaadka.

Carruurtan, oo daโ€™doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliim Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo imaatey ka dib dadaal dheer oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Heyโ€™adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Heyโ€™adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho...

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad...