Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Date:

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta carruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaliyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabril

Waxa uu intaas ku daray “In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf”.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la’aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah.

Safiirka ayaa yiri, “Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam’aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...