Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Date:

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay barnaamijka “Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare (Mastery Initiative)” oo lagu qabtay magaalada Madrid. Barnaamijkan, oo socday muddo laba toddobaad ah, waxaa si wadajir ah u martigeliyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Spain (SAI Spain) iyo Jaamacadda Madrid (Universidad Autónoma de Madrid), iyadoo ay taageero ka geysatay Xoghaynta Arrimaha Dhaqaalaha ee Switzerland (SECO Switzerland).

Barnaamijkan wuxuu ahaa madal lagu kobcinayay hoggaaminta, lagu xoojinayay iskaashiga caalamiga ah ee hay’adaha hantidhowrista, isla markaana la isku-weydaarsaday waayo-aragnimo ku saabsan sida Hay’adaha Hantidhowrada Guud ay uga jawaabi karaan duruufaha adag ee caalamiga ah.

Soomaaliya waxay si mug leh uga dhex muuqatay doodaha muhiimka ah ee barnaamijka, gaar ahaan kuwa la xiriira doorka Hay’adaha Hantidhowrada ee maaraynta qataraha maaliyadeed, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo dhiirrigelinta hufnaanta iyo daahfurnaanta.

Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare (Mastery Initiative) ma ahayn tababar keliya ee wuxuu sidoo kale ahaa madal dhiirrigelin, is-beddel iyo is-barasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...