Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo nabadgelyada ee labada dal.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada ammaanka, la-dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kenya taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Dhankiisa, Wasiir Murkomen ayaa xusay sida ay Dowladda Kenya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadgelyada gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...