Guddoomiyaha SoDMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay laascanood

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay Magaalada laascanood kulan soo dhaweyn ah waxa uu igu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle

Kulankan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee ka howlgala deegaannada maamulka SSC-Khaatumo iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ku bogaadiyey Wasiirka doorka muuqda ee Wasaaradda Gargaarka ay ka qaadaneyso wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaannada maamulka, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa maxalliga ah.

Wasiirka Gargaarka ee SSC-Khaatumo ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Guddoomiyaha iyo Hay’adda SoDMA in uu soo ajiibo ìsoo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga oo warbixin ka siiyay xaaladaha bulshada deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...