Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, taasi oo bilaw u noqoneysa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in fursad weyn ay tahay in awooda dib loogu celiyo shacabka si ay iyagu go’aan ugu gaaraan cida hogaanka u qaban laheyd, waxa uuna aad usoo dhaweeyay in maalmaha soo socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga bilaabo Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay is diiwaangeliyaan isla markaana isku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah, asigoona xusay in la joogo waqti aan la dhihi karin isma dooran kartaan oo hogaankiina ma dooran kartaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...