Wafdi ka socdo dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Date:

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Maamulka iyo Bulshada magaalada Laascaanood ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda dowladda federaalka.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, Warbaahinta Qaranka ayaad toos ugala soca doontaan macluumaad safarka Xukuumadda ee Laascaanood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...