Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geedi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...