Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Kuwait

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaymaan Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.

Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullaahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumatinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.

Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadeed sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageeradeeda taariikhiga ah ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya, waxaa kale oo uu balan qaaday in ay xoojinayaaan xiriirka wadashaqeyneed ee ay Dowladda Kuwait la leedahay Dowladda Soomaaliya si loo kobciyo dhaqaalaha iyo qorshe yaasha maalgalineed ee u dagsan Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...