๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ญ๐š๐ก๐ง๐ข๐ฒ๐š๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐จ ๐๐ก๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฆ๐š๐ญ๐š๐š๐ง๐จ ๐š๐ก

Date:

Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa booqatay hooyo ku dhashay afar mataano ah (gabdho) qeybta VIP ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyada oo halkaas uga muujisay tahniyad iyo taageero.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeer shaqo oo Wasiiru Dowluhu ku sameysay Isbitaalka Banaadir halkaas oo ay horey ula kulantay hooyada inta lagu guda jiray xilliga uurka, waxayna ballanqaadday in ay dib u soo booqan doonto marka ay umusho โ€“ taasoo maanta rumoowday.

Dr. Maryama ayaa sidoo kale uga mahadcelisay maamulka iyo dhammaan howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir ka howlgala dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed Wasiir dowlaha ayaa si gaar ah ugu bogaadisay hawlkarnimada iyo xilkasnimada ay ku shaqeeyaan taasoo muhiim u ah horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...