๐–๐š๐ฌ๐ข๐ซ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐Š๐ฎ ๐“๐š๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐ช๐š๐š๐ซ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐.

Date:

Dr. Maryama Mohamed Hussein, Wasir dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa kormeer shaqo ku tagtay qaar ka mid ah isbitaalada danta guud ee magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayay ujeedadiisu ahayd mid ay si dhow ugu ogaanaysay xaaladaha caafimaad ee bukaanada iyo adeegyada kala duwan ee lagu bixiyo xarumahan haar ahaan Isbitaalada Banaadir, Madiina, DeMartino iyo Erdugan EX Digfeer.

Intii ay ku guda jirtay kormeerka ayay Dr. Maryam waxay la kulantay bukaanada ayadoona xog wareestay si ay u ogaato xaaladahooda caafimaad iyo adeegyada ay helayaan bukaanada ayaa uhelay fursad ay ku gudbin karaan hadii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan iyo talooyinkooda si loo hagaajiyo adeegyada.

Sidoo kale wasiir dowlaha ayaa warbixino ka dhageysatay maamulada isbitaalada waxayna la wadaageen habsami u socodka shaqo iyo caqabadaha jira ugu danbayn maamulada isbitaaladda ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada.

Wasir dowlaha ayaa ugu danbayn ku amaantay howl-wadeenada caafimaadka, iyadoo xustay sida ay u dadaalayaan si ay u daryeelaan caafimaadka shacabka. Dr. Maryam waxay sidoo kale ku dhiiragelisay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyadoo sheegtay in shaqada ay qabtaan ay tahay mid aad u muhiim ah oo saameyn weyn ku leh nolosha dadka ayadoona u xaqiijisay in Wasaaradda ay ka goโ€™an tahay in ay taageerto shaqaalaha caafimaadka iyo in la xoojiyo adeegyada caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hayโ€™adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hayโ€™adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka baniโ€™aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...