Rššā€™š¢š¢š¬š®š„ š–ššš¬ššššš«šž š—ššš¦š¬šš, šØšØ š±š¢š„š¤šš š® š¤ššš„šš š°ššš«šžšžš£š¢š²šžš² š–ššš¬š¢š¢š«š¤šš šœš®š¬š®š› šžšž š–ššš¬ššššš«šššššš š†ššššš¬š”ššššš§š¢š š šš š¢š²šØ š–ššš¬š¢š¢š«š¤š¢š¢ š”šØš«šž

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahanyahay in la dhamaystiro Qorshaha Xukuumadda ee Soomaaliya nabad ah.

ā€œWasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalkaā€. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii badnaa ee uu galiyey sidii loo heli laxaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga si looga guuleysto kooxaha argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...