Wasiirka Cadaaladda ” Xukuumaddani waa tii ugu horreysay oo Khawaarijta la dagaallantay”

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay si dhab ula dagaallantay khawaarijta, taas oo soo dadejisay guulaha la gaaray.

Wuxuu sheegay in ay dowladdu cadowga koobaad ka dhigatay nabad-diidka ciidamaduna ay godadka ugu daateen, taasi oo sababtay in ay Kalsooni buuxda helaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xukuumaddu waxay cadowga 1aad ka dhigatay khawaarijta, waxaaan ugu galnay godadkoodi, taasi waxaa ka dhalatay in ay kalsooni buuxda helaan shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in dowladdu ay khawaarijta ku qaadday dagaal saddex geesood ah oo isugu jira midka tooska ah, kan maaliyadda iyo kan fekerka, taas oo sababtay in ay godadka ku jiri waayaan iaygoo naf-lacaari ah, sidaas awgeedna xukuumaddani ay tahay tii ugu horreysay ee la dagaallanta khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...