Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho

Date:

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa saakay barqanimadii ka kacday garoonka muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada bayshabo balse uu u bixi waayay shaagga hore sidaa daraaddeedna ay kusoo laabatay madaarka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay, sida uu sheegay maareeyuhu.

Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 22 qof oo dhammaantood ka tirsan shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobay ayaa si nabad ah kusoo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha muqdisho kadib dedaallo badan oo ay sameeyeen hay’adda duulista hawada iyo waaxaha kale ee ka howlgala madaarka muqdisho.

“Diyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicin”.

Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...