Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay

Date:

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyay weerar lagu jabiyay oo ka dhacay duleedka deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in Khawaarijta malleeshiyaad kor u dhaafaya 30 looga dilay howlgallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa sheegay in howlgallo barakaysan oo isugu jira cir iyo dhul kana nawaaxiga degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe kahwaarijta looga dilay malleeshiyaad ka badan 40, gaari nooca dagaalka ahna laga gubay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...