Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Date:

Iyadoo la fulinayo ballanqaadkeenii joogtada ahaa ee ku aaddan taageeridda dadka u baahan iyo xoojinta ammaanka cuntada ee Soomaaliya, Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada, ayaa hirgelinaysa Mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga ee sanadka 1446H – 2025. Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada gargaarka ee joogtada ah, si kor loogu qaado nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo degmooyinka qaar ee Shabeellaha Hoose. Ujeedada mashruucan waa in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo maalmaha ciidda Fidriga kuwo farxad leh.

Mashruucan wuxuu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, si kal iyo laab ah, uga mahadcelinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeenna ah inaan sii wadno gargaarka dadka u baahan iyo xoojinta iskaashiyada wax-ku-oolka ah, si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh oo dhammaan bulshada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...