Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Date:

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board of Directors) ayaa kalfadhigooda ugu horeeya ee sanadkan ku yeeshay xarunta Hay’adda ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle, oo ah wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya ee Hay’adda UN-Habitat, ayaa ka qeybgalay kalfadhigan looga hadlayay hufnaanta dadaallada horumarineed ee ku saabsan horumarinta magaalooyinka dunida, oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Danjiruhu wuxuu ka hadlay istaraatijiyadda ay dowlada kula tacaaleyso caqabadaha haysta dadka barakacayaasha ah, kobcinta magaalooyinka iyo horumarinta dowladaha hoose.

“Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa in la xoojiyo qorshayaasha hor-tabinta u leh ee ku aadan horumarinta magaalooyinka, gaar ahaan mashaariicda Hay’adda ay ka waddo dalkeena, waxaana ku boorineynaa in la kordhiyo kaalmada farsamo, si guryo loogu dhiso qoysaska barakacayaasha ah,” ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta magaalooyinka oo loo dhan yahay, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya oo ku tiirsan tahay taageerada Hay’addaha caalamiga ah ay taageereyso baaqa maalgelinta aas-aasiga ah ee Hay’adda UN-Habitat si loo hirgeliyo mashaariicyo la xiriira horumarinta magaalooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...