Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa si rasmi ah uga qeyb qaadatay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kaasoo lagu taageerayay xoojinta doorka Qaramada Midoobay (UN) iyo horumarinta nidaamka multilateralism-ka (wadajir-dhawrka caalamiga ah).

Shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socday waddamada xubnaha ka ah UN-ka, khubaro caalami ah, iyo mas’uuliyiin ka kala yimid hay’adaha muhiimka ah ee caalamka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Mudane Miao Deyu. Sidoo kale, madasha waxaa ka hadleen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guy Ryder, iyo diblomaasiyiin badan oo metelayay dowlado iyo hay’ado kala duwan.

Safiir Hodan Osman Abdi ayaa ka mid ahayd diblomaasiyiinta madasha ka jeediyay hadallo muhiim ah. Waxa ay si cad u muujisay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta wadajirka caalamiga, iyadoo Soomaaliya ay aragto in xoojinta nidaamka UN-ka uu yahay fure muhiim ah oo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay. Safiir Hodan ayaa si gaar ah diiradda u saartay:

1. Baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo lagu wajaho caqabadaha caalamiga, iyadoo ku boorrisay in xal waara lagu gaari karo keliya marka laga wada shaqeeyo si hufan oo kalsooni ku dhisan.

2. Doorka UN-ka ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo xustay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’ad muhiim u ah dheelitirka danaha caalamka.

3. Aragtida Soomaaliya, iyadoo caddeysay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda nidaamka Qaramada Midoobay iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka caalamka.

“Waxaan rumeysanahay in iskaashi waxtar leh oo ku saleysan qiyamka ay UN-ku taagan tahay uu yahay furaha xal u helidda caqabadaha dunida ka taagan,” ayey tiri Safiir Hodan Osman Abdi, iyadoo ka hadleysay doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qaadato isbeddelka caalamiga.

Shirkan ayaa loo arkay mid muhiim u ah dadaallada ay Shiinuhu ku xoojinayso doorka Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilligan ay dunidu wajahayo isbeddello siyaasadeed, khilaafaad hubeysan, iyo caqabado hor leh oo xagga ammaanka, horumarka, iyo isbedelka cimilada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dad shacab ah kula ciiday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda DanQaran, xildhibaano iyo masuuliyiin ka...

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda DanQaran oo farxadda munaasabadda Ciidul fitriga la qaatay shacabka Muqdisho

Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda DanQaran ayaa Farxadda Ciidul...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kumanaan shacab ah salaada ciidul-fidriga kula dukaday masaajidka Isbaheysiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...