Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Date:

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay’ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin oo mudo ku xiraan dalka Liibiya.

Dhalinyaradan oo ay ka muuqdeen tacdiyo badan ayaa 37 ka mid ah laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa halka 108-da kalana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo madax ka socotay hay’ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa si wadajir ah ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dalka in ay dib ugu soo celiso muwaadiniin ku xirin dalal badan oo ka mid ah caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...