Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Date:

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid Magalada Muqdisho tan iyo marki loo doortay Xilka gudoomiyaha Midawga Afrika ayaa khudbad uu ka jeedayay kulan soo dhaweyn iyo afur loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ka sheegay in Midowga Afrika inuu Dowladda Soomaaliya ku taageerayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorsha ku ku aadan doorasho qof iyo cod.

Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda hogaamintiisa dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo sida Madaxweynaha safka hore ee dagaalka ugu dhiirogelinayo ciidanka Qaranka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhanka kale ka hadlayay muhiimadda Soomaaliya u leedahay in dalka laga qabto doorasho dadweyne, isaga oo madaxda Qaranka ku ammaanay dadaallada ku aadan hirgelinta Qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa madasha ka ballan-qaaday inay diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliya si isku filanansho dhan kasta ah, taasoo muhiim u ah Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

“Inta aan Guddoomiyaha Midowga Afrika ahay garab istaagga wax joogsanaya ma ahan, Soomaaliya waxa ay ku socotaa wadadi ay ku gaari la heyd dowladdanimo taam ah”

Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika ee ka howlgala Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Iyadoo la fulinayo ballanqaadkeenii joogtada ahaa ee ku aaddan...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kulan...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka gaashaaman iyo Agab Ciidan

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka guddoontay Midowga Afrika...

Agaasimaha NISA oo kulan kula yeeshay degmada Moqokori Odayaasha dhaqanka

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxweyne...