Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Dhallinyarada iyo Wasiirka cusub ee xilka loo magacaabay

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda xilwareejinta, ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub sidii uu u horumarin lahaa adeegyada ay Wasaaraddu u hayso dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirkii hore dadaalkii uu ku bixiyey muddadii uu xilka hayey tayeynta Wasaaradda.

Sidoo kale, Mudane Cabdisalaan, ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo doorashooyinka qofka iyo codka ah ee dalka laga hirgelinayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...