Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qayb galay Nairobi

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, waxaana musaasabadda goobjoog ka aha xubno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday Hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sharraxay saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, isagoo xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...