Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga 

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Wasiirkii hore, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu hirgeliyo hiigsiga dowladda ee ku aaddan horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo xoojiyo wax soo-saarka dalkeenna ee dhanka warshadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee aynu la leenahay caalamka, maadaama dhowaan aynu ku biirnay Ururka Ganacsiga Adduunka.

Mudane Saalax, ayaa xusay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay laf-dhabar u tahay hay’adaha dowladda, sidaas darteedna Wasiirka cusub looga fadhiyo in uu hormuud ka noqdo fududeynta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...