Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Date:

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃), kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa ah kalfadhigiisii 14-aad, oo soconaya 17-19-ka Maarso ee 2025. Waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigo maalgelinta ajandaha horumarka, iyadoo qaddiyadaha deymuhu ay udub dhexaad u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaas ku metelay Soomaaliya, oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymaha lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta, taas oo ugu dambeyn dowladdu ku guuleysatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo kulan kula qaatay Moqokori hoggaamiyaha macawisleyda 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Taliyaha Ciidanka...

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane...