Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Date:

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃), kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa ah kalfadhigiisii 14-aad, oo soconaya 17-19-ka Maarso ee 2025. Waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigo maalgelinta ajandaha horumarka, iyadoo qaddiyadaha deymuhu ay udub dhexaad u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaas ku metelay Soomaaliya, oo qayb ka ah dalalka maareeyey deymaha lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta, taas oo ugu dambeyn dowladdu ku guuleysatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...