Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya oo shirar muhiim ah uga qeyb galay Harare

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga dalalka xubnaha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.

Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thérèse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.

Safiirka ayaa Marwo Thérèse u xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.

Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...