Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzaniya oo shirar muhiim ah uga qeyb galay Harare

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC Amb, Ilyas Cali Xasan ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qayb gashay shirka wada jirka ah ee ay caasimadda Zimbabwe ee Harare ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga dalalka xubnaha ka ah Ururada EAC iyo SADC, kaas oo diiradda lagu saaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Congo DRC.

Danjire Ilyaas ayaa shirar gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay kulanka oo ay kamid tahay Marwo Thérèse Kayikwamba, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Congo DRC.

Safiirka ayaa Marwo Thérèse u xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay nabadda iyo xasilooni waarta oo ka dhacda gobolka.

Dhanka kale, waxa uu kala hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Congo DRC iyo sidii wax looga qaban lahaay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...