Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa xalay halkaas loogu sameeyay afur si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo lagu qabtay guriga Boqor Bashiir Ciise.

Munaasabadda afurka soo dhaweynta xubnaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey, agaasimayaal iyo Ururrada bulshada, kuwaas oo dhamaan Golaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee dalka u hayaan oo ay ugu horeyso garaad dhiska bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Boqor Bashir Ciise ayaa dhankooda tilmaamay muhiimadda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed u leeyahay dalka guud ahaan, kaas oo dhisaya garaadka aqooneed ee bahda Saxaafadda, islamarkaana horseedeya isku-xirka dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi ayaa dhankooda ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay iyagoo ku sheegay in ujeedka u yimaadeen Dhuusamareeb tahay Tababar la xiriira horumarinta aqooneed ee bahda Saxaafadda Galmudug, taas oo qeyb ka ah qorshaha Golaha garaad dhiska suxufiyiinta soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa inay magaalada Dhuusamareeb ka furaan tababar la xiriira xoojinta xirfadaha suxufiyiinta, kaas oo socon doona muddo 3 maalin ah. Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...