Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...