Madaxweynaha JFS oo booqday Askar ku soo dhaawacantay hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhaawacmay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaataynayay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey geesiyaasha dhaawacmay caafimaad buuxa, isagoo ku amaanay geesinimadooda iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ku difaacayaan diinta, dadka iyo dalka. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wadda dagaallo cirka iyo dhulka ah oo lagu xoreynayo gobollada dalka, si loo ciribtiro Khawaarijta iyo kooxaha amni-darrida abuuraya.

Dagaalkan ayaa ah mid sii xoogeysanaya, iyadoo geesiyaashu si qalbi furan u difaacayaan nabadda iyo xasiloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...