DF iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda.

Haayadda UNOPS ayaa howshaan kusoo dhammeystiri doonto muddo 10 bilood ah oo ka kooban daraasadda iyo naqshadeynta laba buundo oo cusub oo ay yeelaneyso magaalada Beledweyne iyo 10 km oo ah waddo isku cirrus’s magaalada iyo buundooyinka cusub.

Heshiiskii 1aad ee hawshan ayaa lagu dhameystiray Daraasadda iyo Naqshadeynta 23 km oo Waddooyinka Magaalada Beledweyne ah, 24 km oo wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb ah, Qiimeeynta Buundooyinka hada la isticmaalo ee Beledweyne iyo Naqshadda Barxadda Nasashada ee Dhuusamareeb.

Munaasabaddan kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxaa uu bogaadiyey qorshayaasha naqshadeynta iyo dhisamaha kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Dalka iyo Iskaashiga kala dhaxeeya haayadda UNOPS.

Dhanka kale Hey’adda UNOPS ayaa ballan qaaday in ay u fulinayaan hawlaha loo igmaday sidii lagu heshiiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho...

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad...