Wasiir Roobow”Kabul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore”

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Awqaafta arrimaha Islaamka Muqtaar Robow ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka,waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka xaqa ah ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.

Mudane Mukhtaar Roobow ayaa khawaarijta u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khawaarijta tabar beeleen laheyn awood ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taasoo iyana ugu dambeyn u socon waysay.

“Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore.” Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka khawaarijta, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka ah.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee khawaarijta kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka khawaarijta in Alle loogu dhawaanaya waajibna tahay dilkooda maadaama fasahaad ka wadaan dalka.

Khawaarijta ayaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal looga dilay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo dhawaan waayay horjoogayaal muhiim u ahaa kuwaas oo dhib badan ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye...

Faadumo Cabdiqani Yuusuf oo loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay xil-wareejinta Taliyaha CXDS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...