Dalalka Muslimka iyo Yurub oo taageeray qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza

Date:

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha Carbeed ee la doonayo in dib loogu dhiso deegaanada Gaza ee ku burburay dagaalka Israel.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Gaza, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaarisay Masar, waxaana madaxda Carabta ay ku meel mariyeen shirkii Jaamacadda Carabta ee bishan ka dhacay magaalada Qaahira.

57-da dale e xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay qorshahaan kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia.

Qorshaha Carabta oo loo arkaa mid lid ku hindisaha Trump,waxaa qodobadiisa kamid ah in Xamaas aysan maamulin Gaza iyo in aysan khatar ku noqon Israa’iil.

Bayaanka ka soo baxay afarta waddan ee Yurub ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan doorka dhexe ee maamulka Falastiiniyiinta iyo hirgelinta ajendaha dib u habeynta.

Dunida Muslimka ayaa ku booryay Beesha Caalamka iyo hay’adaha maalgelinta caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay si degdeg ah u bixiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah qorshaha Catabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...