Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Date:

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dahir Shire Maxamed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania, ayaa casho sharaf loogu sameeyay halkaas, waxaana soo qabanqaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania oo uu hormuud ka yahay ganacsade GARGUURTE.

Intii uu socday kulanka, Wasiirku ayaa la yeeshay jaaliyadda kulan is xog-wareysi ah oo lagu gorfeeyay horumarinta iskaashiga ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya. Wasiir Dahir Shire Maxamed ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania soo dhoweynta iyo taageerada joogtada ah ee ay u muujiyaan horumarka dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania, iyo sidii ay jaaliyaddu uga qayb qaadan lahayd horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...