Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynaha Caafimaadka Afrika 

Date:

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Ajendaha Caafimaadka Afrika (AHAIC 2025), oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Shirka ayaa si weyn diiradda loogu saaray sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya, waxaana ka soo qeybgalay ergo ka kala socotay 15,000 oo qof, oo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha Caafimaadka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka, oo shirka ka hadlay, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta nidaamka caafimaadka, xoojinta iskaashiga goboleed, iyo hirgelinta daryeel caafimaad oo loo dhan yahay (UHC) marka la gaaro 2030.

Mudane Mohamed Hassan Mohamed ayaa xusay in xoojinta siyaasadaha caafimaadka ay muhiim u tahay dhismaha nidaamyo waara oo dabooli kara baahiyaha bulshada, isaga oo sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maalgelinta shaqaalaha caafimaadka ay tahay mid lagama maarmaan u ah horumarka caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...