Shir ku saabsan dardargelinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho 

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saraakiisha amniga caasimadda, oo ay ka mid yihiin Booliiska, NISA, iyo Booliisiya Militariga.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumini, iyo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Cabdifatax Shaaweye, ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka amniga ee caasimadda iyo qorshayaasha lagu sugayo amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa saraakiisha qeybaha kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugidda, iyo Booliisiya Militariga ku booriyay adkeynta amniga iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada lagu kor-qaadayo amniga guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...