Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Masuuliyiin kale oo howlgallo lagu dardargalinayo dagaalka khawaarijta kawada Gobolka Hiiraan

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Khawaarijta, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Madaxwene ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo dhankiisa la hadlay ciidanka ayaa sheegay in Maamulla Hirsheeblle ay ka go’antahy in laga saaro dhamman dhulka uu ka taliyo khawaarijta arxanka daran ee dhibaatada muddada dheer ku hayay shacbka soomaaliyeed.

“Dagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhamaan karaa wadahadal balse kan Khawaarijta nagala dhaxeeya uma heyno waxaan aheyn inaan dalka ka suulino.” Yuusuf Axmed Hagar Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...