La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

Date:

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii guulaystay ee dowladdu ku wiiqday dhagartii Khawaarijta,la-taliyaha oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Khawaarijta.

Ugu horayn la-taliyaha ayaa xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo khawaarijta taas oo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii khawaarijtu ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee khawaarijta,iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo khawaarintu isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.

Dhinaca kale Mudane Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey khawaarijta,adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka,Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen kooxaha Khawaarijtu.

Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee khawaarijtu ku faafin jireen been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...