Taliyaha Ciidanka Dhulka oo la hadlay Ciidamado ku sugan Degmada Aadan Yabaal

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya,General Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa maanta kulankii ugu horreeyay la qaatay ciidamada ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Aadan Yabaal. Kulanka ayaa looga hadlay sii amba-qaadista howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha ayaa geesiyaasha ciidamada Xoogga Dalka kula dardaarmay in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, wuxuuna sheegay in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay ka filayaan geesiyaashan dadaal iyo guulo wanaagsan. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada looga baahan yahay inay casharo culus u dhigaan cadowga goobaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ay muhiim tahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ku nool deegaanada iyo degmooyinka ay tagi doonaan marka ay cadowga ka dulqaadaan, isagoo xusay in shacabka ay tahay in si buuxda loo dhowro isla markaana la xaqiijiyo ammaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...