Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan looga hadlay xaaladaha baniโaadannimo ee dalka, la qaatay kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna iskuduwaha howlaha baniโaadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta ay leedahay joojinta deeqaha USAID ee la xiriira howlaha baniโaadannimada, abaaraha ka jira dalka, diyaargarowga socda, mudnaansiinta howlgallada baniโaadannimo ee qorsheysan, dib-u-eegisyada lagama maarmaanka ah, iyo talaabooyinka xiga ee loo baahan yahay in la qaado.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaallada ka socda deegaanada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada Daacish, xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo hayโadaha gargaarka, iyo sidii loo heli lahaa qorshe lagu gaari karo dadka ku nool goobaha fog, si looga hortago barakac hor leh.
