Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, halkaas oo lagu qabanayo shirka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), ayaa ka qeyb galay madal ra’yi is-weydaarsi oo heerkeedu sareeyay, oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika iyo ku dhawaad 300 oo marti dadweyne matalaya dalalka Geeska.

Doodda oo muhiimadeedu ahayd sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka ku bahoobay madashan, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray in ay muhiim tahay in la fududeeyo isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgelinta ilaha dhaqaalaha si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo heli lahaa maalgelin dhinacyo badan ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...