Wasiirka Qorsheynta oo Ka qaybgalay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qaybgalay dood muhiim ah oo lagu falanqeeyey Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika gaar ahaan dalkeena Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayna soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka.

Doodda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare, khuburo dhanka siyaasadda dibadda ah, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray:

Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene), oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Mudane Maxamuud C. Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Horumarinta Dalka qabanqaabada doodda, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan daneeyayaasha inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd fursadaha iskaashi ee caalamiga ah.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dibadda si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee dalka, loogana faa’iideeysto fursadaha maalgashi ee sare u qaadi kara dhaqaalaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...