Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta dagaalka dowladda iyo shacabka ay kula jiraan khawaarijta baneeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed,waxaana soo qaban qaabisay hay’adda maareynta horumarinta dalka.

Dooda ayaa diirada lagu saaray dadaalada dowladda ay ku bixisay dimoqraadiyeynta iyo dagaallad dalka looga xoreynayo khawarijta

Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin,oo ka qeyb galay dooda ayaa sheegay in dhankooda ay dadaal badan ku bixiyeen dhammeystirka dastuurka iyo adkeynta hay’adaheena Cadaaladda dalka .

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala,ayaa sheegay in khawaarijta ciidan ahaan iyo dhaqaala ahaanba lagu jabiyay,dowladana ay ka go’antahay ciribtika khawaarijta si dalka u gaaro hormar waara.

“khawaarijta Ciidan ahaan iyo dhaqaala ahaanba waa u jabinay”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaal

Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb galay dooda ayaa ku dheeraday sida ay muhiimka u tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha dimoqraadiyenta iyo ciribtirka kooxda khawaarijta sid dalka u gaaro hormar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...