Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Date:

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee DFS Mudane Sheikh Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in uu xooga saari doono Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa hogaanka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ku amaanay sida ay u tayeeyeen baasaboorka Soomaaliga, iyo dadaalada lagu horumarinaayo baasaboorka, isagoo sidoo kale xusay in baasaboorka Soomaaliga tayadiisa ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran ummada Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in Baasaboorka dalkeena uu soo maray marxalado kala duwan, hasa-ahaatee maanta uu joogaa meel aad u fiican.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...