Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait kula kulmay Isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD Dr. Ahmed Amdihun.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Falanqaynta Cimilada iyo Digniinaha ee (ICPAC), si loo ballaariyo wada shaqeynta hay’adaha gobolka ee ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka, Labada mas’uul ayaa isku afgartay in IGAD ay fududeyso is-dhaafsiga xogta la xiriirta musiibooyinka isaga gudba xuduudaha dalalka gobolka.

Labada dhinac ayaa isku raacay sidoo kale in la qabto shir gaar ah oo ay yeelanayaan hay’adaha Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ay IGAD fududeyn doonto, Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii labada dal ay si dhow uga wada shaqeyn lahaayeen yareynta khataraha musiibooyinka iyo horumarinta digniinaha hore ee halis wadareedka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...